Home / Cayaaro / Real Madrid oo u dagaalamaysa inay saddex koob wada qaado
Real Madrid

Real Madrid oo u dagaalamaysa inay saddex koob wada qaado

Real Madrid waxay dhamaystirtay diyaar garowgeeda ka hor kulanka ay Valencia ku soo dhaweeyaan La Liga maanta.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa haatan saddex dhibic ka hooseysa hoggaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona kuwaas dhankooda  martigelin doona Real Betis.

Real Madrid mar kale waxay ku dagaallamayaan dhammaan tartamada iyagoo doonaya inay qaataan saddex koob markii ugu horreysay taariikhda kooxda.

In kasta oo ay lix jeer ku guuleysteen labo koob (La Liga iyo Champions League), haddana waligood ma aysan helin La Liga, Champions League, iyo Copa del Rey isla hal xilli ciyaareed. Real Madrid ayaa wajihi doonta Arsenal wareega afaraad ee Champions League waxayna gaareen finalka Copa del Rey halkaas oo ay la ciyaari doonaan Barcelona dhammaadka Abriil.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan