Home / Cayaaro / Real Madrid oo u dhaqaaqaysa Kylian Mbappe xagaaga dambe

Real Madrid oo u dhaqaaqaysa Kylian Mbappe xagaaga dambe

Himilo – Real Madrid ayaa isku dayi doonto inay soo xerogeliso weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe xagaaga soo aadan.

Los Blancos ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xiddiga ay isku kooxda yihiin Mbappe ee Neymar ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Yurub bilowga bishaan.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Sport, Madrid dib uguma laaban doonto doonista  saxiixa xiddiga reer Brazil dhamaadka xilli ciyaareedkan maadaama ay si rasmi ah u jeediyeen dareenkooda oo ay u weecdeen Mbappe.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 20 jirka uu noqon doono bartilmaameedka kooxda reer Spain xagaaga soo aadan iyadoo Zinedine Zidane uu doonayo inuu keeno gooldhaliye Bernabeu.

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 62 gool 91 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo bilowgii ololihii 2017-18 – oo ay kujirto labo kamid ah afartii kulan ee uu u saftay kooxda heysata horyaalka Faransiiska bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Mbappe, oo haatan dhaawac muruqa ah qaba, ayaa qandaraaskiisa Parc des Princes dhici doona xagaaga 2022.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan