Home / Cayaaro / Real Madrid oo u dhaqaaqaysa Raheem Sterling

Real Madrid oo u dhaqaaqaysa Raheem Sterling

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaaa inay u dhaqaaqayso saxiixa weeraryahanka Man City Raheem Sterling si ay u keento garoonka Bernabeu inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

25 jirka ayaa sameeyay bandhig wanaagsan ol-olaha 2019-20 isaga oo dhaliyay 20 gool islamarkaana caawiyay toddobo kale 39 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Qandaraaska cayaaryahanka reer England ee Etihad Stadium ayaa ku eg bisha June ee sannadka 2023-ka laakiin waxaa jira warbixinno tilmaamaya in laacibka uu ka tagayo kooxda haddii Man City aysan ka guuleysan xannibaada laga saaray Champions League.

Marka la eego warbixinnada ka soo baxaya Spain, Madrid ayaa isha ku heysa isbadallada la xiriira racfaanka kooxda Man City iyada oo Zidane uu u dhaqaaqi karo Sterling haddii ay timaado fursad.

Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriiriyay cayaaryahanka qaranka Ingiriiska.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan