Muqdisho – Kooxda Real Madrid ayaa isha ku heysa in ay lasoo saxiixato laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, sida laga soo xigatay Don Balon.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda heysata horyaalka Spain ay isku dayi doonto isla markaana ay isku diyaarineyso soo xera galinta laacibkan reer Masar, waxayna qorsheyneysaa in ay Lucas Vazquez qeyb kaga dhigto heshiiska ay kula soo wareegeyso MO Salah, oo u dhaliyeye 19 gool Liverpool xagaagan.
Salah, ayaa dhawaan loo magacaabay xiddiga ugu wanaagsan qaaradda Africa marka loo eego abaal marinta sanadlaha ah oo ay bixiso BBC.