Home / Cayaaro / Real Madrid oo u dhaqaaqi karta laacib katirsan Betis

Real Madrid oo u dhaqaaqi karta laacib katirsan Betis

Himilo – Weeraryahanka kooxda Real Betis Nabil Fekir ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay Real Madrid xagaaga.

Cayaaryahanka 26 jirka ah oo si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista Liverpool ayaa si aan la fileyn ugu biiray Betis suuq furanka xagaagii hore.

Laacibka Faransiiska ah ayaa sameeyay bandhig wanaagsan 2019-2020 isaga oo dhaliyay toddobo gool islamarkaana caawiyay lix kale 22 kulan.

Fekir ayaa dhaliyay seddex gool shantii kulan ee ugu danbeysay. Marka la fiiriyo warbixinnada Spain, Madrid ayaa isu diyaarineysa inay u dhaqaaqdo cayaaryahanka dhammaadka ol-olahan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan