Home / Cayaaro / Real Madrid oo u soo bandhigeysa Arsenal Luka Jovic

Real Madrid oo u soo bandhigeysa Arsenal Luka Jovic

Himilo- Real Madrid ayaa  ka fiirsaneyso inay u soo bandhigto Luka Jovic kooxda Arsenal oo qeyb ka ah heshiiska uu Pierre-Emerick Aubameyang ugu biirayo kooxda reer Spain bisha Janaayo.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee xulka Gabon ayaa la eegay isbuucyadii ugu dambeeyay sababa la xiriira horumarin la’aanta wadahadalada qandaraas kordhinta, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 2021.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Aubameyang uu haatan ka baxay wadahadalada iyada oo ay jirto xiisadaha sii kordhaya ee kooxda, kuwaas oo ku jira guul’la aantoodii ugu xumeyd ee muddo 42 sano ah oo shaqada looga ceyriyay Unai Emery bishii la soo dhaafay.

Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay muddo dheer xiiseyneysay weeraryahankan muhimka ah, Jariiradda Daily Mirror ayaa sheegeysa inay diyaar u yihiin inay Jovic u soo bandhigaan heshiiska.

21 jirka ayaa kaliya ku  biiray Los Blancos xagaagii, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu ku xasilo caasimada Spain waxaana uu ilaa iyo haatan dheelay seddex kulan oo La Liga  oo uu ku soo bilowday kooxda ilaa iyo haatan.

Arsenal ayaa weli ku adkeysaneysa inay sii heystaan ​​Aubameyang, kaasoo gooldhaliyahooda ugu sareeya ah xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 31 gool tartamada oo dhan, laakiin sidoo kale waxay ka walwalsan yihiin in weeraryahanka uu burburo qandaraaskiisa isla markaana uu si xor ah ugu dhaqaaqo, sida Aaron Ramsey ee horaantii bilowgii sanadka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan