Himilo – Cayaaryahankan 23 jirka ah ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay Leicester ol-olaha 2019-2020 isaga oo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiyay mid kale 29 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.
Manchester United iyo Arsenal ayaa labaduba xiiseynaya cayaaryahanka reer Nigeria ee Ndidi kaasi oo qandaraaskiisa King Power Stadium uu ku egyahay xagaaga 2024-ka.
Si kasta, sida laga soo xigtay Todofichajes, Madrid ayaa sidoo kale dooneysa cayaaryahankii hore ee kooxda Genk xilli ay baadi goob ugu jirto khad dhexe.
Ndidi ayaa 130 kulan u saftay Leicester tan iyo markii uu ku biiray Janaayo sannadkii 2017-ka.