Muqdisho – Real Madrid ayaan hadda aad u tix-gelinayn wada-hadalka ciyaartoyda Tottenham ee Harry Kane iyo Dele Alli, hayeeshe waxay diiradda saarteen macalinka kooxda Mauricio Pochettino.
Kane ayaa si adag loola xiriirinayay Madrid kadib bandhigii wacnaa ee xagaagii hore uu sameeyey – halka warar kale ay tilmaamayaan in kooxda Spain ay sidoo kale quudarraynayso helidda Alli.
“Kane waa laacib muhiim u ah Tottenham, wuxuuna kooxda u yahay tiir isku xiraya qeybaheeda,” ayuu yiri Zidane. “Wuxuu yaqaan sida loo dhammaystiro fursadaha.”
Benzema ayaa hadda ah laacibka kaliya ee weerarka kaga jira naadiga oo iska iibisay Morata. Waxaana uu qabaa dhaawac uu ku ciyaari karin kulamada.
Kane wuxuu noqon karaa kaalinta muuqata oo bedel u noqon kara laacibka Morata – saacidana siin kara weerarka kooxda.
Pochettino wuxuu sameeyey bandhig fiican. Waxaana taasi ay soo jiidatay indhaha mas’uuliyiinta kooxda. Wuxuu hadda kahor sheegay inuu jeclaan lahaa leylinta Madrid.