Home / Habka-Nolosha / Real oo £500 oo milyan ku qarash-gareyneysa xiddigo ku sugan horyaalka Ingiriiska

Real oo £500 oo milyan ku qarash-gareyneysa xiddigo ku sugan horyaalka Ingiriiska

Muqdisho – Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay £500 oo milyan oo ginni ay xagaaga ku qarash gareyso ciyaartooy waaweyn oo ku sugan Premier League, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Kooxda Isbaanishka ah ayaa indhaha ku haysa labo bar-tilmaameed oo weerar ah, isla-markaana mid kasta uu noqon doono lacag rikoorka adduunka ah oo gaareysa £200m: waana Eden Hazard iyo laacibka Tottenham ee Harry Kane.

Intaas waxaa sii dheer, Los Blancos ayaa sidoo kale £100m ku dooneysa gool-hayaha Manchester United ee David de Gea kaas oo kooxdu ay ku fashilantay in ay soo qaadato sanadkii 2015-kii.

Naadiga Real ayaa sanadkan ku jirta xaalada qaraw ah oo la oran karo waa mucjiso maanka fiyow diidan-yahay, kooxdii kusoo guuleysatay horyaalka La Liga iyo koobka horyaalada Yurub sanadkii lasoo dhaafay in hadaba ay ka war qabto in aysan ku guuleysan karin horyaalka si lamid ahna ay iskaaga hartay tartanka koobka boqorka ee Copa del Rey.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan