Home / Cayaaro / Real oo iibineysa James Rodriguez iyo Gareth Bale

Real oo iibineysa James Rodriguez iyo Gareth Bale

Himilo- Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso James Rodriguez iyo Gareth Bale si ay ula soo wareegaan weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

In kasta oo Los Blancos ay wali sii wadato xiriirinta magacyada sare, hadana waxaa si wanaagsan loo cadeeyay in kooxda Isbaanishka ay tahay inay marka hore iibiso dhowr xidig.

Iyadoo Mbappe lagu yaqaanay inuu diirada u saaran yahay, Calciomercato ayaa sheegeysa in Real ay isha ku heyso inay bixiso  labada xiddig ee kala ah Rodriguez iyo Bale.

Inkastoo uu sagaal kulan u saftay tan iyo markii uu ka soo laabtay amaah labo sano ah oo uu ku joogay kooxda Bayern Munich, hadana Rodriguez ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu u wareegayo kooxda ka dhisan Serie A ee Napoli.

Bale ayaa sidoo kale si joogta ah uga dhex muuqday kooxda koowaad xilli ciyaareedkan, in kasta oo Real iyo xiddiga reer Wales ay isku raaci doonaan bixitaanka haddii heshiiska labada dhinac uu ku habboon yahay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan