Home / Cayaaro / Real oo isku diyaarinaysa inay Tottenham ka qaataan Labo xiddig

Real oo isku diyaarinaysa inay Tottenham ka qaataan Labo xiddig

Himilo- Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso labada xiddig ee Tottenham Hotspur Harry Kane iyo Christian Eriksen.

Spurs ayaa gaartay finalka xilli ciyaareedkii hore ee Champions League qaab ciyaareed cajiib ah, laakiin kooxda Premier League ayaa haatan wajaheysa dagaal ay ugu jiraan inay u soo baxaan wareega 16ka ee tartanka xilli ciyaareedkan.

Xaqiiqdii, kooxda ka dhisan caasimada ayaa heshay hal dhibic labadii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen – iyadoo guuldarro 7-2 ay ka soo gaartay kooxda Bayern Munich ciyaar ka dhacday garoonka Tottenham Hotspur Stadium habeenkii talaadada.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain, qaar ka mid ah ciyaartooyda Spurs ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkooda ka dib qaab ciyaareedkooda, Los Blancos ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo Kane iyo Eriksen.

Xiddiga dambe, oo si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Bernabeu ka hor ololaha 2019-20, ayaa arki doona qandaraaskiisa oo dhacaya xagaaga soo socda waxaana la filayaa inuu dhaqaaqo.

Kane, walow la rumeysan yahay inuu ku qiimeysanyahay £ 250m qandaraaskiisa ayaan dhici doonin ilaa xagaaga 2024.

Madrid ayaa sidoo kale isha ku heyso mustaqbalka Mauricio Pochettino ee London madaama ay jiraan soo jeedinno muujinaya in ninka reer Argentina uu isku diyaarinayo inuu ka fogaado booskiisa tababarenimo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan