Home / Cayaaro / Real oo isku diyaarineysa dalabkii ugu dambeeyay ee Eriksen

Real oo isku diyaarineysa dalabkii ugu dambeeyay ee Eriksen

Himilo – Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay dalab dambe ka gudbiso Christian Eriksen si uu kaga yimaado Tottenham Hotspur.

Eriksen ayaa keliya hal sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa Spurs mana uusan qarsanin inuu doonayo inuu helo waji cusub.

Sida laga soo xigtay The Sun, Real Madrid ayaa sugeysa saacadaha ugu dambeeya suuqa kala iibsiga inay u dhaqaaqdo si ay ugu qasbaan Tottenham inay iibiso.

Dane ayaan dooneynin inuu qandaraas cusub qalinka ugu duugo Spurs, madaxweynaha Madrid Florentino Perez ayaa soo bandhigi doona 60 milyan ginni oo uu ku geeyo Bernabeu.

Inkasta oo aan la hubin mustaqbalkiisa, Eriksen ayaa ka soo muuqday labadii kulan ee Premier League ee Tottenham xilli ciyaareedkan – isagoo beddel ku soo galay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Aston Villa iyo kulankii barbaro 2-2 ku dhammaaday ee Manchester City Sabtidii oo uu ku soo billowday.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan