Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay tijaabin doonto Liverpool marka ay timaado Sadio Mane iyadoo Reds fursad u siineyso inay lasoo saxiixato Marco Asensio xagaaga.
Mane ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkii 2018-19 ee kooxda Jurgen Klopp, isagoo dhaliyay 26 gool 50 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jirto afar gool uu ka dhaliyay Champions League.
Sida laga soo xigtay The Express, Madrid ayaa dooneysa inay lasoo wareegto 27 jirkan xagaagan, waxaana ay isku diyaarineysaa inay u soo bandhigto Asensio Reds taasoo qeyb ka ah dalabka ay ka gudbin lahayd xiddiga reer Senegal.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Klopp uu u yahay “taageere wayn” Asensio, oo keliya lix gool u dhaliyay Los Blancos intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2018-19, oo uu ku jiro keliya hal kulan oo horyaalka La Liga ah.
Weeraryahankan ayaa cajiib ahaa tan iyo markii uu yimid Bernabeu, inkastoo uu 27 gool u dhaliyay 17-na caawiyay 135 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan kooxda Caasimada ka dhisan .
Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale lala xiriirinaayay inay u dhaqaaqeyso xiddiga reer Spain xagaagan.