Himilo – Weeraryahankii hore ee Barcelona Rivaldo ayaa ku adkeystay in Philippe Coutinho uu wali mustaqbal ku leeyahay Camp Nou haddii uu dib u soo celiyo qaab-cayaareedkiisii markii uu joogay Liverpool.
Coutinho ayaa noqday laacibka labaad ee ugu qaalisan taariikhda markii Liverpool ka iibisay kooxda reer Catalan sannadkii 2018 laakiin 18 billood kaddib, waxaa ammaah lagu siiyay Bayern Munich.
Kooxda Jarmalka ayaan dooneyn inay heshiiska ka dhigto mid rasmi ah, taasi oo keentay inay soo baxaan warbixinnada tilmaamay in laacibka reer Brazil uu ku laaban karo horyaalka Ingiriiska laakiin ninka ay isku dhalashada yihiiin ee Rivaldo ayaa aaminsan in Coutinho uu mustaqbal ku leeyahay Barcelona.
“Waxay u muuqataa in Bayern Munich aysan dooneyn inay bixiso dalaabadka Coutinho dhammaadka xilli cayaareedka, cayaaryahankana uu ku laaban karo Barcelona,” ayuu Rivaldo u sheegay Betfair.
Waxa uu intaa raaciyay “Haddii fursadda timaado, Coutinho waxa uu u baahan yahay in uu kor isku qaado oo uu muujiyo sida uu u yahay cayaaryahan weyn, sida uu sameeyay markii uu joogay Liverpool iyo xulka qaranka oo uu u yahay cayaaryahan muhiim ah.”
Coutinho ayaa ku soo billowday keliya 15 kulan oo Bundesliga ah xilli cayaareedkan. Waxa uu si toos ah ugu lug yeeshay 17 gool 32 kulan.