Home / Habka-Nolosha / Riyad Mehrez oo xulkiisa ka helay fasax uu kusoo dhameeyo ka tegistiisa Leicester.

Riyad Mehrez oo xulkiisa ka helay fasax uu kusoo dhameeyo ka tegistiisa Leicester.

Muqdisho – Riyad Mahrez ayaa ogolaansho ka helay Algeria si uu uga tago xerada tababarka xulka qaranka una dhamaystiro ka tagista  Leicester.

Xiriirka kubada cagta Algeria ayaa ku dhawaaqay in Mahrez loo ogolaaday inuu ka tago kooxda qaranka Algeria islamarkaana uu ku laabto Europe si uu usoo dhameeyo ka tagista kooxda Leicester.

Si kastaba, Foxes ma aysan helin dalabyo cusub oo lagu doonayo Mahrez, sida ay sheeyagaan ilo wareedyo ay heleyso Sky, dalabkii  ugu danbeeyay waxa uu ahaa 31.8 milyan oo Roma ay ka heleen kahor seddex isbuuc, kaas oo weli ka hooseeya qiimaha ay ku dooneyso laacibkan.

Xiddiga garabka kaga ciyaara Leicester ee Mahrez ayaa muujiyay rabitaan ah inuu ka tago King Power Stadium, waxaana lala xiriirinayay kooxo badan oo waa weyn, naadiga  Roma ayaana horay looga soo diiday saddex dalab oo ku aadanaa 26-jirkan, 32 milyan oo ginni ayaana saddexda mar lagu soo celiyay kooxda reer Talyaani.

Barcelona, Arsenal, Manchester United iyo Chelsea ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan Mahrez, kaas oo ahaa ciyaaryahankii sanadka ee PFA Pleyer of the Year sanadkii 2016 ka dib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaas.

Kooxda qaranka Algeria waxay u duuli doonaan isaga la’aantiis Khamiista magaalada Lusaka si ay ula kulmaan Zambia maalinta Sabtida.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan