Home / Habka-Nolosha / Riyad oo sheegay inuu ka tagayo Leicester City.

Riyad oo sheegay inuu ka tagayo Leicester City.

Muqdisho – Riyad Mahrez ayaa u sheegay Leicester City inuu doonayo ka tegista naadiga.

Xiddiga xulka Qaranka Algeria ayaa kooxda lagu naaneyso Foxes ka caawiyay inay ku guuleysto horyaalka PL England xagaagii 2015-2016, hayeeshe hadda wuxuu doonayaa inuu iskaga tago gegida kooxdu ku ciyaarto ee King Power Stadium.

Goal ayaa soo werisay in Monaco loo bandhigay iibsiga laacibkan 26-jirka ah – iyada oo Arsenal u muuqato mid ku guuleysan karta xera-gelintiisa.

Mahrez oo kooxdiisu ku qadartay adduun lacageed gaaraya €40m (£35m) ayaa hadda ka dhawaajiyay doonistiisa inuu ka tagayo naadiga.

Wuxuu yiri: “Aniga oo qadarin iyo xushmadba u haya kooxdayda Leicester City waxaan rabaa inaan si cad ugu tilmamo inay timid waqtigii aan horay u socon lahaa.”

“Waxaan wada-hadal fiican la sameeyey guddoomiyaha naadiga xagaagii hore: innaga oo kawada hadalnay siday ku suura-gali karto inaan xilli kale sii joogo naadiga. Waana aynu isla qaadannay middaas. Meel fiican ayaana kasoo istaagnay tartanka UCL.”

“Si kastaba, hadda waxaan dareemayaa inay timid waqtigii aan ka tegi lahaa kooxda.”

“Xiriirka aan la wadaagay kooxda iyo taageerayaasheenna cajiibka leh waa mid waaraysa abid. Waxaana si dhab ah u rajaynayaa inay go’aankayga fahmayaan oo ay qadarin doonaan.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan