Home / Habka-Nolosha / Robben oo guul-darradoodii Madrid dusha ka saaray garsooraha

Robben oo guul-darradoodii Madrid dusha ka saaray garsooraha

Muqdisho – Arjen Robben ayaa dareensan in Bayern Munich loo garba-duubay kooxda Real Madrid kadib markii kooxda quwadda Jarmalka laga reebay tartanka Champion League.

Ka saarista garoonka Arturo Vidal oo laba jeer qaatay ganaax ayaa ka dhigtay in Madrid ay 4-2 kaga adkaadaan daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray kulanka. Mahadna waxaa laga celinayaa saddaxleyda uu Ronaldo ku hubsday shabaqa Munich.

Bayern ayaa ku hoggaaminaysay 2-1 markii laacibka Vidal uu laga saaray ciyaarta – taasina waxay fursad u banneysay laacibiinta Madrid. Waxaana Ronaldo uu shabaqa ku husbaday saddaxley lama filaan ah.

Mar la weydiiyay Robben haddii Bayern loo xirxiray Madrid. “Haa waad ogtahay fikrad ahaantayda; waana ceeb,” ayuu u sheegay Viasat. “Mararka qaarna wax kasta waxay ku dhamaan karaan go’aanka garsooraha in ka badan dadaalka laacibiinta.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan