Home / Habka-Nolosha / Robben oo isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Robben oo isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Muqdisho – Arjun Robben ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii xulkiisa isaga haray tartanka loogu jiro 2018 World Cup.

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ayaa kooxdiisa xulka Holland ku hoggaamiyay guul ay ka gaareen xulka Sweden hayeeshe taasi uma suuragalin inuu xulkiisa usoo saaro tartanka koobka adduunka.

Tani ayaa ka dhigan in laacibkan uu kulamada heerka qaran kaga fariistay isaga oo dhaliyay 37 gudaha 96 kulan oo uu ciyaaray.

33 jirkan ayaa markii ugu horreysay xulkiisa Holland u saftay sanadkii 2003, wuxuuna tiir dhexaad u ahaa guulo muhiim ah oo xulkiisu gaaray.

Sanadkii 2010 wuxuu xulkiisa keenay dhamaadka koobka adduunka waxaana kaga adkaaday Spain. Sidoo kale sanadkii 2014, Robben wuxuu afar dhamaadka soo taagay xulkiisa.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan