Muqdisho – Laacibka Holland u dhashay ee Aryen Robben oo u dheela naadiga Bayern Munich ayaa ka hadlay guul-darradii ay xalay dhabarka u saariyeen naadiga Arsenal ciyaar katirsaneyd wareegga 16aad ee Champion League.
Bayern Munich waxaaa ka go’neyd inay si bahdilnimo ah u gabagabeeyaan wiilasha macalin Arsen Wenger, marka loo eego laacibkan.
Arsenal ayaa 5-1 ku lumisay ciyaar katirsaneyd UCL oo ay u martisay kooxda Bayern Munich – laacibka Robben ayaana ku daah-furay goolasha lagu xaaqay shabaqa naadiga.
“Way saxsaneyd in natiijadu sidaas noogu dhamaato, waayo way naga go’neyd inaan ka adkaanno Arsenal,” ayuu yiri Arjen Robben, oo 33-jir ah.
Aryen ayaa bandhig wanaagsan ka muujiyay ciyaartii xalay, wuxuuna ku faanayaa in dadaalkii ay geliyeen kulanka ay u qalmeen natiijada ay ka heleen.