Himilo – Weeraryahanka Barcelona Robert Lewandowski ayaa la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan saddex toddobaad, kaddib dhaawac muruqa bowdada ah oo ka soo gaaray kulankii Sabtidii ay la ciyaareen Celta Vigo ee horyaalka La Liga.
Lewandowski oo 36 jir ah ayaa ku jira xilli ciyaareed cajiib ah, isagoo dhaliyay 40 gool isla markaanna sameeyay 3 caawin 48 kulan oo uu u saftay kooxda reer Catalonia xilli ciyaareedkan 2024-25.
Hase yeeshee, wuxuu garoonka ka baxay isagoo dhutinaya daqiiqadihii u dambeeyay ee ciyaartaas ay Barcelona ku badisay 4-3, inkastoo ay 3-1 lagaga hormaray. Kooxda Barcelona ayaa Axaddii si rasmi ah u xaqiijisay dhaawaciisa.
Bayaan ay soo saartay Barcelona ayaa lagu yiri:
“Baadhitaanno la sameeyay Axaddii ayaa muujiyay in ciyaaryahanka koowaad Robert Lewandowski uu qabay dhaawac muruqa bidix. Waqtiga uu soo laabanayo wuxuu ku xirnaan doonaa horumarka uu sameeyo.”
Haddii uu maqnaado saddex toddobaad, Lewandowski wuxuu seegi karaa shan kulan oo muhiim ah:
-
Final-ka Copa del Rey oo ay la ciyaarayaan Real Madrid toddobaadka dambe
-
Labada lug ee semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Inter Milan
-
Kulanka El Clasico ee Sabtida
-
Kulanka La Liga ee Real Valladolid
Lugta hore ee Inter Milan waxaa la ciyaari April 30, lugta labaadna May 6. Sidaa darteed, Lewandowski waxaa suuragal ah in uu ku soo laabto kulanka muhiimka ah ee La Liga ay la ciyaarayaan Real Madrid 11-ka May — ciyaar go’aan ka noqon karta cidda ku guuleysan doonta horyaalka Spain.
Yaa buuxin doona booska Lewandowski?
Ferran Torres ayaa u muuqda mid buuxin doona booska weerarka dhexe, isagoo xilli ciyaareedkan dhaliyay 17 gool isla markaana caawiyay 4 gool 40 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Raphinha iyo Lamine Yamal ayaa si joogto ah uga ciyaara garbaha, halka Gavi, Dani Olmo, iyo Fermin Lopez ay u tartamayaan booska 10-aad ee dhexe.
Lewandowski waxaa la kordhiyay heshiiskiisa ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2025-26, iyadoo la rumeysan yahay in uu weli noqon doono weeraryahanka koowaad ee Barcelona marka uu kasoo laabto dhaawacan.