Home / Cayaaro / Roberto Martinez oo Eden Hazard kula taliyay in uu sii joogo Chelsea.

Roberto Martinez oo Eden Hazard kula taliyay in uu sii joogo Chelsea.


Himilo FM – Tababaraha reer Belgium Roberto Martinez ayaa kula taliyay Eden Hazard in uu sii joogo Chelsea maadaama uu wax badan ku sameyn karo Stamford Bridge.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara waxaa heshiiskiisa ka haray 18 billood oo uu kula joogayo kooxda Galbeedka London,waxa uuna laacibkan si cad u qirtay in uu qadarin doono inuu u dhaqaaqayo Real Madrid.

Hazard ayaa waqti dheer ku riyoonayay in uu u dhaqaaqo Bernabeu laakiin Chelsea ayaa diyaar u ah inay ciyaaryahankeeda ka dhigto midka ugu mushaarka badan islamarkaana qoyskiisu ay ku noolyihiin London.

Maurizio Sarri ayaa doonaya sii heysashada Hazard laakiin waxa uu xiddigan ka ciyaarsiiyay  boos aan ku habbooneyn laacibka reer Belgium.

Martinez ayaa aaminsan in Hazard uu halis gelin karo waxa uu ku heysto Chelsea haddii uu u dhaqaaqo Spain,waxa uuna sheegay inay jiraan wax badan oo uu ku sameyn karo kooxda.

“Eden Hazard marnaba hoos idin ma dhigi doono,”.Martinez ayaa u sheegay wargeyska Belgium-ka ee HLN.

‘Eden waxa uu ku riyaaqayaa naadiga Chelsea, waxa uu gaaray heerka ugu sarreeya kooxdaas, intaasi kaddib lama hubo haddii mashruuc cusub uu u fiicnaan lahaa.”

Hazard ayaa qirtay kaddib markii Chelsea ay 2-1 kaga badisay Watford maalintii Boxing Day – Isaga oo labada gool ee Chelsea dhaliyay laakiin xiddigan ayaan jecleysan in laga ciyaarsiiyo booska 9aad. Alvaro Morata ayaa ku soo laaban kara kulanka Blues oo ay la ciyaarayaan Southampton maalinimada berri.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan