Muqdisho – Belgian-kan heeraka caalami ayaa usoo dhaqaaqay Old Trafford isaga oo kaga yimid Everton lacag dhan £75m oo lacagta Ingriiska ah.
Martinez oo weeraryahankan ku soo maamulay Everton ayaa dareesan tayada uu xiddigan u leehay hoggaanta koox weyn sida Man Utd.
Tababbarihii hore ee Toffees-ka ayaa aaminsan in Lukaku uu diyaar u yahay inuu guulo gaaro, isla markaana uu ku sii wadi doonaa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka – Man Utd.
Lukaku ayaa ku bilowday si fiican isaga oo saddex gool ka dhaliyay seddexdii kulan ee furitaanka horyaalka Barclays Premier League.
Martinez ayaa u sheegay 5Live: “Waxa uu diyaar u yahay inuu qaato mas’uuliyaddaas”.