Home / Habka-Nolosha / Rodriguez oo ku qanacsan joogitaanka Madrid.

Rodriguez oo ku qanacsan joogitaanka Madrid.

Muqdisho – James  Rodriguez ayaa ku niyadsan inuu kusii nagaado kooxdiisa Real Madrid tiiyoo ay shaki ku jirto booskiisa joogtada ah.

Fursado dhif ah oo uu ku layaab gelin karo macalin Zidane sida ciyaartii ay 3-1 kaga adkaadeen naadiga Napoli ee Talyaaniga ciyaar katirsaneyd Champion League ayuu helay  Rodriguez.

Laacibkani ayaa dalab xoogan wuxuu ka helay naadiyada ka dhisan horyaalka England PL, hayeeshe wiilka Colmbian-ka ah wuxuu ku faraxsan yahay joogitaanka Spain.

“Wax kasta waxay ku socdaan wanaag; Real waa koox weyn, waxaana waligayba rabay inaan ku nagaado,” ayuu yiri  Rodriguez. “Wax san iyo wax fiicanba way dhacaan, waxaanse rabaa inaan waqti kale sii joogo halkan.”

25-jirkan ayaa sidoo kale amaan kala dul dhacay macalinkiisa Zinadine Zindane.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan