Home / Cayaaro / Rojo oo ka tagaya Manchester United xilli ciyaaredkan

Rojo oo ka tagaya Manchester United xilli ciyaaredkan

Himilo FM – Manchester United ayaa laga yaabaa inay iska fasaxdo Marcos Rojo xagaagan isaga oo qeyb ka ah daafacyada lagu sameynayo dib u habeyn, sida ay sheegayaan wararka.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentine ayaa kamid ah laacibiinta xusuusta wanaagsan ku leh garoonka Old Trafford isagoo seddex jeer ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Rojo ayaa ka tagay xerada tababarka United toddobaadkii hore oo ay ku qaadanayeen Dubai si uu ugu laabto dalkiisa hooyo iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu siiyay fursad uu maskaxdiisa ku dejin karo.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, 28 jirkan ayaa noqon doona daafacii ugu horeeyay ee qorshaha Red Devils ee ah in uu ka tagayo xilli ciyaareedka soo socda. Ugu danbeyntii, seddexda kulan ee uu Rojo saftay 2018-19 ayuu wadar ahaan ciyaaray 149 daqiiqo.

Victor Lindelof, Eric Bailly, Chris Smalling iyo Phil Jones ayaa ah xulka koowaad ee daafaca dhexda  ka ciyaara ee uu heysto Solskaer laakiin ugu yaraan hal ciyaaryahan ayaa la filayaa in uu yimaado bilaha soo aadan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan