Himilo- Sida ay sheegtay waaxda canshuuraha dowladda Romaniya ee magaceeda loo soo gaabiyo ANAF, gaari uu lahaa hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Nicolae Ceausescu ayaa la iibiyay.
Gaarigan oo la hayay muddo 25 sanno ah ayaa waxaa ku loolamayay Illaa shan ruux, kuwaas oo soo maray illaa shan heer oo lagu kala saarayo.
Waaxda canshuuraha ayaa ku iibisay oo keliya $44-kun oo doolar, balse qiimahaasi waa laba laabka qiimihii horay loo gaaray,mas’uuliyiinta way ka gaabsadeen inay shaaciyaan ruuxa laga iibiyay gaariga madaxweyne Ceausescu.
Bishii Janaayo ee sannadkan-markaas oo ay soo bandhigtay dowladda in la xaraashayo-waxaa la waayay qof iibsada.
Gaarigan oo noociisu yahay ARO 304 ayaa leh kuraas ka sameysan dhogorta xoolaha iyo qeyb sare oo electronic taas oo furmeys marka loo baahdo,waxa uu u adeegsan jiray Nicolae Ceausescu dalxiiska iyo soo dhaweynta martida qaaska u ah.
Nicolae Ceausescu oo muddo ku dhaw soddon sanno ka talinayay Romaniya ayaa isaga iyo xaaskiisa waxaa haleeshay rasaas la isweydaarsanayay 25-kii December sannadkii 1989, xilligaas oo uu socday kacdoonkii xukunka looga tuuray,waxa uu u dhintay dhaawacaasi.
Waxaa la rumeysan yahay inuu heystay hanti badan oo uu ka mid ahaa gaariga hadda la iibiyay oo muddo lagu hayay bannaanka caasimadda Romania ee Budapest.
Dalka Romania oo ku biiray ururka Midowga Yurub sannadkii 2007-kii ayaa waxaa ku habsaday saboolnimo isaga oo kaalinta labaad kaga jira wadamada ugu faqiirsan qaaradda Yurub.Waxaa la degay musuq la tuhunsayay inuu soo xiriirsanaa tan iyo xiligii Shuuciyadda.