Home / Habka-Nolosha / Ronald Koeman oo doonaya laba ciyaaryahan oo tayo leh

Ronald Koeman oo doonaya laba ciyaaryahan oo tayo leh

Muqdisho – Macalinka kooxda Everton, Ronald Koeman ayaa doonaya inuu soo xera galiyo labo ciyaaryahan oo kale kuwaas oo leh tayo wanaagsan, sida uu yiri.

Ronald Koeman ayaa caddeeyay inuu ku faraxsanyahay qaabka ay kooxdiisu ula macaamishay suuqa kala iibsiga xagaagii hore, laakiin waxa uu xaqiijiyay damaciisa ku aadan helidda saxiixyo cusub.

Toffees waa mid kamid ah kooxaha ugu tukaamaysi fiicnaa, marka la eego kooxaha kubadda cagta ee qaaradda yurub, waxayna qarash gareeyeen ku dhawaad £100 Million oo lacagta Ingiriiska ah.

Wayne Rooney, Davy Klassen, Michael Keane, Jordan Pickford, Henry Onyekuru iyo  Sandro Ramirez ayay Everton kasoo heshay suuqa waxaana wali lala xariirinayaa magacyo kale.

Ciyaaryahannada uu doonayo in uu soo qaato ayaa ah Gylfi Sigurdsson iyo Moussa Sissoko, macalinkan u dhashay Holland ayaana doonaya in uu si guul ah uu ugu dhamaado xagaagan marka loo eego suuqa kala iibsiga.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay qaabka Everton ay iskaga xoojisay Suuqa,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Haddii aan heli lahayn hal ama labo ciyaaryahan, waan ku dhamaysan karnaa meel ka sarraysa kaalinta lixaad.”

Everton ayaa lacag dhan £90 million ka heshay xiddigo ay iibisay xagaagan lacagtaas badankeedna waxay kasoo gashay Romelu Lukaku oo ku biiray Manchester United.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan