Home / Habka-Nolosha / Ronaldo: “Da’du waa kaliya tiro!”

Ronaldo: “Da’du waa kaliya tiro!”

Muqdisho – Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu dareemayo da’yaraan xilli uu isku diyaarinayo inuu xulkiisa ku hoggaamiyo koobka Confederations Cup kadib kolkii ay ku guuleysteen koobka UCL.

Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay Champion League ee laba jeer oo is xigta ku guuleysata kadib markii ay 4-1 ku garaaceen kooxda Juventus.

Ronaldo ayaa dhaliyay laba kamid ah goolashii kooxdu kaga adkaatay dhiggeeda Marwada Duqda isaga oo noqday rikoorhaya ugu gool-dhalinta badan tartanka UCL.

Laacibkan ayaa hadda u cadcad inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or markiisii shanaad.

Halka badi laacibiinta Yurub ka ciayarta ay fasax ku jiraan, Ronaldo ayaa xulkiisa Portugal ula safri doona dalka Ruushka, hayeeshe wuxuu ku adkeystay inuu dareemayo caabooni iyo dhiirranaan.

“Wuxuu ahaa xagaa dheer. Hayeeshe waan dhiirranaaday. Waan faraxsanahay kolay da’du waa kaliya tiro, waxaana dareemayaa sida ugu fudud ee da’yar soo kacaya,” ayuu yiri.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan