Muqdisho – Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ka tago Real Madrid, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Chiringuito TV oo ku yaalla wadanka Spain.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaan qaab ciyaareed wanaagsan ku jirin bilihii u danbeysay, isaga oo dhaliyay kaliya hal gool oo La Liga ah xilli ciyaareedkan.
Ronaldo ayaana haatan lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu baxo 30-ka June, isagoo diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda ka dhisan garoonka Santiago Bernabeu.
Xiddigan afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa waxaa dalabkiisa bixitaanka horay u diiday madax-weynaha Real, Florentino Perez.
Markii ay soo baxeen wararkii maxakamadda ee ahaa in Ronaldo uu yahay eedeysane ka lunsaday casnshuur xukuumadda Madrid, ayuu laacibkan qorsheeyey in uu ka baxo albaabka Santiago Bernabeu, waliba si weyn ayey saxaafadda dunidu u warisay in CR7 uu ka tagi doono Real marka uu dhamaado koobkii Euro ee 2016 hayeeshe midddas ayaan dhicin.
Ronaldo ayaa horay uga dhawaajiyey in uu doonayo in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Man Utd, halka sidaas oo kale uu xiise ka helayo kooxda PSG iyo kuwo kale oo ka dhisan wadamada Mareykanka iyo Shiinaha.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.