Home / Habka-Nolosha / Ronaldo oo lagu soo daray safka Real Madrid ee wajihi doona Man United.

Ronaldo oo lagu soo daray safka Real Madrid ee wajihi doona Man United.

Muqdisho – Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo daray safka Real Madrid ee wajahaya kooxda Manchester United Talaadada, kadib markii la xaqiijiyay in uu doonayo kusoo labashada England.

32-jirkan ayaa la rajaynayay in uu seegi doono Super Cup-ka kadib markii uu sheegay tababbarka maalmihii hore ee kooxdiisa, isaga oo xilligaa ku maqnaa fasax kadib kasoo laabashadiisa Confederations Cup-ka ee ka dhacay Ruushka.

Ronaldo ayaa lagu soo eedeeyay in uu lunsaday canshuur dhan £13 milyan, taas oo keentay inuu ka guuri doono Madrid isla markaana uu u diga rogon doono England, sida ay xilligaas warisay Sky sources.

Manchester United ayaa kaga iibisay Real Madrid £80 milyan 2009, Jose Mourinho ayaana ka yiri bishii lasoo dhaafay in ay dib ula soo saxiixdan ciyaaryahankan waa howlgal aan macquul aheyn.

Ronaldo ayaa la xusuustaa inuu Real Madrid siiyay shan sano oo heshiis ah Novembertii lasoo dhaafay.

Kadib marka ay UEFA Super Cup kama dambeystiisa ay la ciyaarto Man Utd, Real waxa ay aadi doontaa Barcelona si ay ula ciyaarto lugta hore ee Spanish Super Cup oo ka dhici doona Nou Camp habeenimada Axadda.

Safka Real Madrid ee loo soo xulay kulanka Manchester United:

Goolhayeyaal: Keylor Navas, Kiko Casilla, Luca Zidane

Difaacyo: Dani Carvajal, Jesus Vallejo, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Theo Hernandez, Achraf Hakimi

Qaddhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Marcos Llorente, Marco Asensio, Isco, Mateo Kovacic, Dani Ceballos

Weeraryahanka: Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, Karim Benzema, Lucas Vazquez, Borja Mayoral.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan