Home / Cayaaro / Ronaldo oo magac dhabay laacibka uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro

Ronaldo oo magac dhabay laacibka uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro

Himilo – Juventus hoggaamiyahooda Cristiano Ronaldo ayaa Eusebio u aqoonsaday halyeyga kubadda cagta oo uu jeclaa in uu ka garab ciyaaro, kaddib wareysi uu siiyey kanaalka YouTube-ka ee Soccer

Ronaldo oo hadda lagu tilmaamo mid kamid ah dahabyada kubadda cagta ayaa shabaqa dhaafsiiyey in ka badan 600 gool isaga oo u dheelaya koox iyo qaran.

Weeraryahanka Portugal ayaa ah xiddigii ugu horreeyay ee hanta seddex horyaal oo kamid ah shanta horyaal ee qaaradda Yurub, seddex Premier League ayuu kula guuleystay Manchester United halka laba jeer uu hantay La Liga isaga oo xiran maaliyadda Real Madrid, hal koobna waxa uu kula dabaal degay Juventus.

34 jirkan ayaa ku guuleystay shan Champions League, afar FIFA Club World Cups, laba Copa del Reys, laba UEFA Super Cups iyo koobab kale.

Mar la weydiiyey halyeyga uu jeclaan lahaa ayuu yiri “Aragtideyda, waxaa jira ciyaartoy badan kuwaasi oo aan doonayey in aan la ciyaaro, laakiin waxaan dooran lahaa hal shaqsi, waa mid kasoo jeeda dalkeyga, kaasi oo dhintay sannado kahor: Eusebio. Mid kamid ah haldoorada Portugal, isagu waxa uu ahaa shaqsi cajiib ah, waxan jeclaa in aan qaranka kaga garab ciyaaro.”

Kahor Ronaldo, Eusebio ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa midkii ugu ficnaa ee soo mara xulka qaranka Portugal kaddib markii uu xirafaddiisa ciyaareed uu dhaliyey  733 gool markii uu saftay 745 ciyaarood.

Eusebio ayaa ku guuleystay kabta dahabka kaddib markii uu sagaal gool dhaliyey Portugal intii lagu guda jirey koobkii adduunka 1966-kii, xilligaasi oo ay ku dhammeysten kaalinta afaraad. Eusebio ayaa geeriyooday bishii January 2014, da’da 71-sanno ayuu ku dhintay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan