Muqdisho – Ronaldo ayaa u tix-gelinaya xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo hal-doorro, hayeeshe wuxuu xiddiga Real Madrid ku qorayaa suura-galnimada ah in sanadka loo boqro abaal-marinta Ballon d’Or.
Ruug-cadaagii hore ee Qaranka Brazil ayaa saddex jeer ku guuleystay biladda World Player of the Year ama laacibka sanadka xilli-ciyaareedkiisa kubadda cagta.
Messi ayaa tiro ka dheer hal billad oo Ballon d’Or ka sarreeya Ronaldo – hayeeshe haddii sanadkan uu mar labaad is-xigta ku guuleysto wiilka reer Portugese, waxay noqonayaan bareejo.
Ronaldo ayaa Fox News u sheegay: “Sanadkan waxaa abaal-marinta Ballon d’Or filayaa inuu ku guuleysto Christiano Ronaldo.”
“Labadii sano ee ugu danbeysay wuxuu sameeyey bandhigyo aan caadi aheyn. Wuxuu fure u noqday guulaha ay gaaraysay kooxdiisa. Innaba Ronaldo waa nambar one aan la iska indha-tiri karin.”
Ronaldo ayaa xagaagan shabaqa ku hubsaday 40 gool isaga oo kooxda ka caawiyay ku guuleysiga La Liga iyo iyada oo hadda taagan finaalka UCL.
Messi ayaa isagana dhaliyay 54 gool.
Labaduba waxay sameynayaan bandhig hagaagsan, midna malahan in si gaar ah loogu mahad-naqo dadaalka uu ku bixiyo guulaha kooxdiisa, marka loo eego Ronaldo.
Wuxuu intaas ku daray: “Labaduba way fiican yihiin.”
“Waan jeclahay Messi iyo qaab ciyaareedkiisa. Hayeeshe tayada Christiano Ronaldo iyadna ma ahan mid la dhayal-san karo.”
“Waa tartan qaraar. Labadoodase waxay u qalmaan qadarin.”