Home / Cayaaro / Ronaldo oo rikoor cusub ka sameeyay Serie A

Ronaldo oo rikoor cusub ka sameeyay Serie A


Himilo FM – Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa rikoor ka sameeyay kooxdiisa kana sara maray Rui Barros isagoo dhaliyay goolkiisii 13aad ee Serie A xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay labo daqiiqo gudaheed markii uu billowday kulanka Juventus iyo Sampdoria.

Goolkani waxa uu ahaa goolkii 13aad ee gool dhalinta horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, waxaana uu la sintay laacibka kooxda Genoa xiddiga lagu magacaabo Krzysztof Piatek kaasi oo hoggaanka u hayay tartanka gooldhalinta.

Waxa uu sidoo kale goolkaan la micno yahay in uu dhaafay Rui Barrios oo  ahaa ciyaaryahanka keliya ee Portugal oo 12 gool ka dhaliyay Serie A hal xilli ciyaareed isaga oo Juventus u dhaliyay 12 gool sannadkii 1988-89.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan