Home / Habka-Nolosha / Ronaldo: “Sababtii aan u xirtay maaliyadda nambar 7.”

Ronaldo: “Sababtii aan u xirtay maaliyadda nambar 7.”

Muqdisho – Macalinkii Manchester United, Sir Alex Ferguson, ayaa ah xooggii gadaale ee Cristiano Ronaldo ku dhaqaajinayay xirashada nambarka 7.

Xidigga reer Portuguese kaas oo hadda ku sugan Madrid ayaa ku caan baxay CR7 – taas oo loo tiirinayo boorrin uu ka helay macalinka reer Scotish ee Ferguson markii uu imaanayay garoonka Old Trafford.

Sir Alex ayaa u sheegay Ronaldo: “Eeg waxaan rabaa inaad xirato maaliyadda nambar 7,” ayuu laacibkan shaaciyay mar uu ka hadlayay dhacdo abaal-marineed.

“Aad baan iskula yaabanaa waayo waxaan ogaa dhamaan laacibiinta waaweyn ee xirtay nambar 7.”

Ronaldo laga yaabee inuu horumar weyn ku gaaray gegida kooxda Real Madrid, hayeeshe kol hore ayuu soo hayay jidkii uu ku noqon lahaa laacib weyn gudaha England – maadaama uu abaal-marintiisii koobaad ee Ballon d’Or sanadkii 2009 ku qaaday.

“Waxay aheyd bilowga heerka guushayda kubadda cagta. Kaliya ma aanan horumarin xirfaddayda hayeeshe sidoo kale xubnaha jirkayga.”

“Shantaydii sano ee halkaas, waxaan bartay farshaxanka kubadda cagta. Waxaynu wadajir ku wada guuleysanay waxyaalo badan. Waxayna ii aheyd riyo.”

Taniyo markii uu yimid Madrid, Ronaldo ayaa afar jeer oo kale ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or waxaana loo tix-geliyaa mid kamid ah xidigaha ku jira jiilka kubadda cagta.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan