Home / Habka-Nolosha / Rooney: “Kaliya Messi iyo Ronaldo ayaa jabin kara rikoorkeyga Man Utd.”

Rooney: “Kaliya Messi iyo Ronaldo ayaa jabin kara rikoorkeyga Man Utd.”

Muqdisho – Weerayahankan ayaa kaga tagay Old Trafford rikoor gool dhalineed xagaagan, wuxuuna halyaygan Manchester ku faanay inuu heysto rikoor cajiib ah ayna adag tahay gaarista ciyaarahan.

Wayne Rooney ayaa ku kalsoon in rikoorka gool dhalinta ee uu u hayo Manchester United uu baaqi sii ahaan doono muddo badan isaga oo ka cabsanaya kaliya in ay kooxda yimaadaan ciyaartoyda maanta dunida kubbada cagta ugu wanaagsan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kuwaas uu aaminsan yahay inay yihiin kaliya kuwa ka jabin kara rikoorka isla markaana ay dhaafi karaan isaga.

Sooyaalkan ku qoran buugaagta Manchester ayaa ka baxay albaabka Old Trafford xagaagan isaga oo ku biiray kooxdii uu yaraantiisa kasoo hayaamay ee Everton bishii lasoo dhaafay.

13 sano oo aadan aamini kari uu ku qaatay Old Trafford ayuu markaan dib ugu laabtay garoonkii uu kusoo hanaqaaday ee Goodison Park.

Rooney ayaana xagaagii ugu horreeyay ee Jose Mourinho jabiyay rikoorkan iyada oo la xasuusto maalmihii yaraa ee uu ku lahaa kulamada Jose.

253 ayuuna ku galay taariikhda ciyaaryahanka ugu goolasha badan Manchester United, wuxuuna rikoorkan ka jabiyay Sir Bobby Charlton.

Rooney ayaa ku jabiyay rikoorkan gool uu ka dhaliyay Stoke City bishii January ee lasoo dhaafay.

Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan