Home / Habka-Nolosha / Rooney oo goolkiisii 200aad ka dhaliyay Man City.

Rooney oo goolkiisii 200aad ka dhaliyay Man City.

Muqdisho – Wayne Rooney ayaa ka yaabsaday mar kale taageerayaasha kooxda Manchester City kadib markii uu garoonkooda ku dhaliyay goolkiisii 200aad ee Premier League habeennimadii Isniinta.

England-ka heerka caalami ayaa codow kubadeed la ahaa  Manchester City 13 sano oo uu ku sugnaa kooxda  Manchester United, hayeeshe laacibkan ayaa mar kale dib u xirtay maaliyadda naadiga Everton.

31-jikan ayaa dib ugu laabtay kooxdii uu kusoo hana-qaaday ee Everton horraantii xagaagan, wuxuuna sameeyay soo dhalaalid cajiib ah kadib markii uu dhaliyay goolal labdiisii kulan ee ugu horreysay ee kooxda ciyaaraha Premier League.

Kulanki Etihad ee Isniiti, Rooney aya noqday ciyaaryahkii labaad ee gaara 200 oo gool Epl-ka kadib xiddigii Newcastle United ee Alan Shearer.

Rooney waxa uu heystaa rikoorka ciyaaryahanka ugu goolasha badan kulan ay wada ciyaraan labada kooxood ee Man Utd iyo Man City oo loo yaqaan Manchester Darby, 11 gool ayuuna ku leeyahay City marka loo eego Manchester Darby, goolkii xalay ayaana u dheer xiddigan u dhashay qaranka saddexda libaax.

Weyne sidaas oo kale gool uu ka dhaliyay kooxda City ayaa noqday goolka saddexaad ee ugu quruxda badan 25kii sano ee ugu danbeysay horyaalka Premier League.

Kadib kulanka Rooney ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Had iyo jeer wey wanaagsan tahay in aad aragto wajiyo caan ah.”

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan