Muqdisho – Tan iyo markii uu idlaaday xagaagii hore, Giroud waxaa lala xariirinayay in uu ka bixi doono Emirates Stadium kadib markii uu sameeyay kaliya 11 soo bilaabasho horyaalkii dhamaaday ee Premier League.
Kooxo ay kamid yihiin Marseille, Everton iyo Borussia Dortmund ayaa lala xariirinayay laacibkan kuwaas oo dhamaantood muujiyay xiisaha ay u qabaan xiddigan jooga dheer, hayeeshe sida laga soo xigtay London Evening Standard, Faransiiskan heerka caalami, Arsenal waxa ay doonaysaa inuu baaqi kusii ahaado waqooyiga London.
Marseille ayaa horay usoo iibsatay Valere Germain oo ka yimid AS Monaco waxayna eegayaan macquul ahaanshiyaha ay ku heli karaan Giroud, Garcia ayaa laga soo xigtay isaga oo leh -Haku riyoonina diyaar uma ahan in uu baxo”.
Tan iyo markii uu yimid Arsenal 2012, Giroud waxa uu dhaliyay 98 gool gudaha 227 kulan oo uu u saftay kooxda dhamaan tartamada.
Qore: Abdiaziz Aadan Urur.