Home / Macluumaad / Ruushka oo dadkiisa da’da ah baraya sida loo isticmaalo internet-ka

Ruushka oo dadkiisa da’da ah baraya sida loo isticmaalo internet-ka

Himilo FM – Xubin kamid ah baarlamaanka dalka Ruushka ayaa xukuumadda dalkaasi u gudbiyay aragtida ah in la furo telefishin dadka howlgabka ah iyo kuwa da’da ah lagu barayo sida loo adeegsado Internet-ka.

Waxa uu tilmaamay mas’uulka sida loogu baahan yahay in dadka waaweyn u adeegsadaan Internet-ka. Waxa uu yiri waxay arrintan siineysaa fursado badan sida inay ka gudbaan habab dhaqameedyada lagu helo wararka.  

Xildhibaanka reer Russia ee Visli Philisov ayaa ku celceliyay in wacyi-gelin loo sameeyo dadka da’da ah loogana digo khatarta kooxaha burcad internet-ka iyaga oo la barayo qaababka ugu wanaagsan oo ay ku ilaashan karaan xogahooda.

Hadalka Visli Philisov ayaa imaanaya iyada oo daraasad ay sameeyeen Google iyo shirkada Kantar TNS muujisay in dad badan oo kamid ah dadka da’da ah ee Ruushka inay saacado badan ku qaataan internet-ka inka badan dhallinyarada qaar.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan