Home / Macluumaad / Rwanda oo ay ku dhawaad sannad ku qaadatay inay Wiyil soo dhoofsato!

Rwanda oo ay ku dhawaad sannad ku qaadatay inay Wiyil soo dhoofsato!

Himilo –Raggii qandaraaska qaatay waxay ku guuleysteen inay Rwanda geeyaan shanta Wiyisha waa-weyn ee madow ah kaddib billooyin ay ku hawlanaayeen sidii ay u safrin lahaayeen, mid ka mid ah qaadayaasha ayaa u sheegay wakaaladda Reuters.

Labo dheddig iyo saddex lab ah oo Wiyisha madow ah ayaa laga duuliyay  carwo xayawaan oo ku taal Czech Republic halkaas oo lagu ogaanayay mid walba kaddib markii laga kala keenay carwooyin ku kala yaal dalalka yurub.

“Hawsha soo qaadida waxay socotay dhawr billood, waxay bilaabatay dabo-yaaqadii sannadkii hore markaas oo labo ka mid ah laga keenay Denmark iyo England. Waxaa la bilaabay in la mideeyo sababtoo ah Wiyisha madow way camal xun tahay, ugu danbeyn waxaa lagu tababaray sanduukhii lagu qaadi lahaa,” Jaromir Sejnoha oo kamid ah raggii hayay ayaa sidaa yiri.

Dalkan dhaca bariga Afrika waxa uu ku tiirsan yahay oo hoy u ah shanta waaweyn ee la yiraahdo African Game Animals oo kala ah; libaax, Wiyisha, maroodiga, lo’gisi, iyo haram-cadda.

Carwada duur-joogta ee Rwanda waxaa soo booqda 44,000. Sannadkii tagay waxaa laga macaashay $2 milyan. Si guud dalxiiska dalkan 2017 waxaa ka soo galay $437 million sida uu sheegay masuulka u qaabilsan dawladda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan