Home / Macluumaad / Rwanda oo sannadkan dhiseysa 1100 fasal waxbarasho

Rwanda oo sannadkan dhiseysa 1100 fasal waxbarasho

Himilo -Dowladda Rwanda ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku dhiseyso 1100 fasal waxbarasho iyo inka badan 1000 suuli oo loo sameynayo dugsiyada dhexe iyo sare ee dalka.

Rose Baguma oo ah agaasimaha guud ee waaxda qorsheynta waxbarashada ee wasaaradda waxbarashada Rwanda ayaa sheegtay in mashruuca uu ka danbeeyay go’aanka wasaaradda maaliyadda iyo dhaqaalaha ee ah in la kordhiyo miisaaniyadda waxbarashada.

Fasalada cusub ayaa la filayaa inay wax badan ku biiriyaan tayada waxbarashada islamarkaana yareeyaan foggaanta fog oo ay ardayda miyiga jaraan si ay u helaan adeeg waxbarasho.

“ Waa barnaamij dowladda sameynayso oo lagu dhiira gelinayo tayada waxbarashada,” ayay tiri Rose Baguma.

Sannad dugsiyeedkii 2016/2017, Rwanda ayaa dhistay 416 fasal waxbarasho iyo 470 suuli iyadoo isla sannadkii xigay la dhisay 1043 fasal iyo 1344 musqul. Isla sannadkii 2018/2019,  xukuumadda Kigali ayaa sameysay 1776 fasal iyo 1452 suuli.

Baguma ayaa tilmaamtay in bankiga adduunka uu u ballan qaaday $200 Milyan oo lagu taageerayo waxbarashada dalka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan