Muqdisho – Khabiirka caanka ku ah saadaalinta kubadda-cagta gaar ahaan horyaalka Ingiriiska ayaa saadaaliyay qaabka uu u dhici karo Premier League.
Sanadkii dhamaaday saaxirkan ayaa si sax ah u saadaaliyay in Chelsea ay ku guulaysan doonto horyaalka, isaga oo xusuusta in fasal-ciyaareedkii ka horreeyay ay Blues ku dhamaysatay kaalinta 10aad ee horyaalka.
Saadaasha Paul Merson ayaana sidaan u dhacday.
Man City kaalinta koobaad.
Weerarkeedu wuu xoogan yahay Sky Blue si lamid ah waxa uu Pep Guardiola soo iibsaday difaacyo gaaraya ilaa iyo saddex difaac kuwaas oo laga qiimeeyo Yurub, waxaana qeyb ka ah Kyle Walker oo ay kasoo iibsadeen Tottenham.
Chelsea kaalinta labaad.
Chalsea ayaa ku guulaysatay horyaalka xagaagii dhamaaday. Paul Merson ayaana markan ka saaray booska koobaad isaga oo ka tuuray kaalinta labaad ee horyaalka.
Sanadkii lasoo dhaafay Blues-ka qeyb kama aysan aheyn koobka horyaallada Yurub ee Champions League taas oo la aaminsan yahay in ay ahayd sababtii u fududeysay hanashada.
Alvaro Morata, Rudiger iyoTiemoue Bakayoko ayayna Chelsea kala soo wareegtay suuqa xagaagan.
Tottenham kaalinta saddexaad.
Tottenham oo aan ku ciyaarin White Hart Lane waa dhibaatada ugu adag oo ay mari doonto, in kasta oo ay xagaaga soo aadan ku ciyaari doonto Wembly haddana kooxda Tottenham ayaan fasixin ciyaartoydeeda muhiimka ah marka laga soo tago Kyle Walker oo ku biiray kooxda Manchister City.
Tottenham sanadii lasoo dhaafay waxa ay ku dhmaysatay kaalinta labaad ee horyaalka Ingiriiska.
Manchester United kaalinta afaraad.
Manchester United ayuu qabiirkan u saadaaliyay booska afaraad ee kala sarreynta horyaalka, isaga oo xusuusanaya in kooxda Mourinho ay sameysay xagaagan saxiixyo waaweyn, sida lasoo wareegista raacdaha kooxda Blues ee Matic si lamid ahna waxa ay soo heleen weeraryahanka kooxda Everton ee Romelu Lukaku.
Liverpool kaalinta shanaad.
Liverpool Waxa ay sanadkan ka qayb noqon doonta Champions League waase haddii ay kasoo gudbaan is reer-reebka ay mari doonaan.
Philippe Coutinho oo ah halbowlaha kooxda Reds ayaa la’aaminsan yahay in uu u dhaqaaqi karo kooxda Barcelona ee dalka Spain dib u dhac ayayna u keeni kartaa Liverpool.
Arsenal kalinta lixaad
Gadoodka Sanchez ayuu u cuskaday qabiirkan in uu Arsenal ka tuurayo booska lixaad ee kala sarreynta horyaalka.
Wuxuuna aaminsan yahay in Alexandre Lacazette uu yahay ciyaaryahan wanaagsan, laakiin Arsenal aysan suuqa sidii loo baahnaa aysan uga soo tukaameysan.
Everton 7th
Southampton 8th
Leicester 9th
West Ham 10th
Stoke 11th
Crystal Palace 12th
West Brom 13th
Swansea 14th
Bournemouth 15th
Burnley 16th
Newcastle 17th
Watford 18th
Brighton 19th
Huddersfield 20th.
Qore: Abdiaziz Aadan Urur.