Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal: Saameynta dagaalada sokeeye ay ku leeyihiin kororka xanuunada dhimirka”

Maqaal: Saameynta dagaalada sokeeye ay ku leeyihiin kororka xanuunada dhimirka”

Himilo: Badanaa, cudurrada dhimirka ayaa shakhsi shakhsi u saameeya dadka adduunka, balse, waxaa sidoo kale jira, in bulshooyinka qaar ay si guud ahaan u wada qaadaan cudurrada dhimirka haddii ay la kulmaan dhibaatooyin guud ahaan u wada saameeya, dhibaatooyinka noocaas ah ayaa waxaa ka mid ah musiibooyinka iyo dagaallada hubeysan.
Bulshooyinka caalamka qaarkood ayaa sida Soomaaliya la dhibtooda cudurrada dhimirka, inkasta oo ay kala duwan yihiin qaababka ay u saameeyaan iyo waxa bulsho walba u keena cudurradaas.
In ka badan 450 milyan oo qof oo qaba cudurrada maskaxda ayaa la sheegaa in ka badan saddex meelood ay ku nool yihiin waddammada soo koraya.
Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, siddeed ka mid ah tobankii qof ee kasta dadka ku nool waddammada soo koraya ma helaan dawayn caafimaad oo cudurkaan la xiriirta.
Waddan kasta dhibaatooyin u gaar ah ayuu leeyahay kuwaas oo sababa in dadka wadankaasi ku nool ay qaadan xanuunada maskada ku dhaco.
Dalka Afqanistaan qoysaska badankooda waxaa ka dhintay qof ama ka badan muddo dheer oo dalkaas dagaallo ka socdeen, waxana taasi ay keentay in ay ku bataan dadka la nool xanuunada nafsiga ah.
Dalka Nigeria oo ka mid wadmada ay dagaaladu halakeeyeen badi bukaanada lagu qaabbilo goobaha caafimaadka maskaxda waxay qabaan astaamo murugo aad u weyn hadana in yar ayaa daawo hela.
Dalka Itoobiya, sababaha keena xanuunnada maskaxda waxaa ugu weyn ninka iyo xaaskiisa oo isdagaala, taas oo la rumaysan yahay inay ka dhacdo saddex meelood oo labo qoysaska reer guuraaga ah.
Dalka Rwanda oo deris la ah waddamada ku yaalla bariga qaaradda Afrika ayaa soo maray dagaal sokeeye oo ka mid noqday kuwii ugu saamaynta badnaa dunida muddooyinkii ugu dambeeyay, waxana dalkan ay mudo shacabkiisu aad ula il darnaayeen cudurrada dhimirka ee ka dhasha dagaallada.
Dowladda Rwanda ayaa aad ugu dadaashay in ay adeegga caafimaadka dhimirka ah ay gaarsiisoo dhammaan bulshada reer Rwanda.
Khubarada dhinaca dhimirka ayaa aaminsan in dagaalladii sokeeye ee soo maray Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen caafimaadka maskaxda ee dad badan, welina ay jirto saameyntaas.
Saamaynta dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ay yeesheen waxa ka mid ah kororka dadka qaada xanuunka maskaxda ku dhaca.
Cudurkaan Kuma xirna da’da iyo waqtiga, wuxuu kugu dhici karaa waqti kasta iyo da’a kasta haddii Alle kuu qadaro, qofka la nool xanuunka dhimirka marka laga tago xuquuqda caadiga ah wuxuu leeyahey xuquuq gaar ah, sida, daryeel, naxariis, iyo soo dhoweyn.
Xanuunka dhimirku waa xanuun caadi ah oo ku dhaca qeybaha maskaxda, laakin waxaa saamaynta dhaliya ayaa ah in laga dhigo ciqaab gaar ah oo qofka lagu ciqaabayo ama lagu ceebeynayo.
Kumannaan bukaan oo la xanuunsanaya cudurrada ku dhaca dhimirka aduunka oo dhan ayaa la xaqiraa xuquuqdooda bini aadanimo, waa la takooraa, xadgudubyo maskaxeed iyo kuwa jireed ayaa loo gaystaa iyaga oo aan helin adeeg caafimaad oo ku filan, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in 40 ilbiriqsi ba uu qof sameeyo isdil iyo in uu gacantiisa isku dilo.
Soomaaliya bukaanada ka qaba cudurrada ku dhaca dhimirka ma helaan adeegyo caafimaad oo ku filan sida ay sheegaan hay’adaha caafimaadka ee la socda xaladaha cudurkaan.
Dagaalo daba dheeraaday iyo xasilooni darada ka jirta Soomaaliya ayaa loo aaneey tirada badan ee dadka dhimirka ka xanuunsan.

 

Wariye Cabdiraxman Maawa.

Radio-Himilo 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan