Dhaxalka burburkii dalka ka dhacay waxaa kamid ah qiimo dhaca joogtada ah ee lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana taa ugu wacan nidaamkii maaliyadda oo meesha ka baxay iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya oo isna aanan si rasmi ah u shaqeyn muddo.
Waxay tani keentay in Shilinka Soomaaliga uu cidloodo oo uu waayo cid maamusha kana ilaalisa duulaanka lacagaha ajnabiga ah si uusan u qiimo beelin hase ahaatee nasiib xummo way dhacday sida uu ka baqayay Shilinka keliya ee lacag nooga haray maanta.
Qiimo dhaca lacagtu waa marka ay qiimo ahaan hoos u dhacdo marka loo fiiriyo sarifka lacagaha ajnabiga ah ee lagu badasho, meel kale haka raadin tusaale, waxaad eegi kartaa heerka lacagteenna Shilinka, sidee loo sarifaa ?
Sababaha guud ee saameynta ku leh qiimo dhaca ama saro u kaca lacagta waxaa kamid ah dalabaadka lacagta, sida ay suuqa u taallo, sicir bararka iyo sida guud ee dhaqaalaha dalka uu yahay.
Marka aan u imaano sababaha maxaliga ah ee si gaar ah saameynta ugu leh lacagteenna islamarkaana loo tiirin karo qiima dhaca taagan waxaa kamid ah lacago been abuur ah oo la daabacay suuqana la soo galiyay, duulaanka joogtada ah ee doolarka, Lacagta elektorooniga ah oo ay bixiyaan shirkadaha qaar oo iyaduna saameynteeda leh, Awoodaha bangiga dhexe oo yar iyo siyaasad lacageed oo aan jirin.
Aan mid mid u kala qaadno sababahan, ka billow Daabacaada lacagaha been abuurka waxay ahayd mushkilad soo taagneyd oo ay ka macaasheen qolooyinka ka shaqeeya, waxay tani ku timid marnaanshihii xagga maamulka iyo dowladnimo oo fududeeyay in danbiga sidaan u weyn ay dad badan ku dhiiradaan kuna qiimo dilaan Shilinkeena Soomaaliga .
Doolarka waa caqabad kale iyaduna, oo hadda dalal badan oo dalkeena ku jiro waxaa ku socdo duulaanka “Dollarization” oo ah in doolarku uu badalo lacagta maxaliga ah, sababta arrintani waxay tahay iyada oo lacagta iyo dhaqaalahaba loo arkay awooda la isku gumeysto kana xoog badan hub la isku adeegsado.
ku darsoo, adeegga lacagaha Elektorooniga ah oo ay bixiyaan shirkadaha qaar, marka dhinaca toggan laga fiiriyo, waa arrin mahdinteeda leh waayo waa adeegyo fududeeya nolosha bulshadda islamarkaana lana jaan qaadaya tiknilojiyadda casriga ah hase ahaatee marka laga hadlayo badqabka lacagta, lama ammaano adeegyadda nuucaan ah waayo waxay yareeyaan wareegga lacagta, ugu danbeyna way ka saaraan suuqa.
Aan sii raaciyee, qiimo dhaca lacagta shilinka Soomaaliga waxaa loo tiriin karaa sidoo kale awooda bangiga dhexe ee dalka oo yar oo wali shaqadiisii aysan si dhameystiran u socon, waxaa intaa dheer, majirto siyaasad lacageed oo dalka u dagsan oo lagu ilaalinayo qiimaha lacagta.
Keliya kuma koobi karno sababaha qiimo dhaca lacagteenna inta aan xusnay, waxaa kale oo jirta in mas’uuliyad bulsho lala xiriirin karo. Waxa ugu weyn ee bulshadu ugu hiilin karto lacagteeda waa inay siisaa kalsoonida ugu badan.
Si kasta, haddii aysan lacagteenna naga helin mudnaanta iyo kalsoonida ay innaga mudan tahay, waxaan noqon doonaa bulsho aan la heyn lacag lagu heyb aqoonsado sida ku dhacday bulshooyin badan oo maanta doolarku u yahay lacagtooda rasmiga ah .
Mahad Maxamed Cali