Home / Macluumaad / Saameynta maskaxeed ee ka dhalata qaraxyada
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2015-11-24 14:21:50Z | | A

Saameynta maskaxeed ee ka dhalata qaraxyada

Waad og tahay in waqtiga aad ku sugan tahay uu yahay mid degan ilaa xad. Waxaadna ku jirtaa howshaada – laga yaabee inaad saaran tahay gaari, ku socto lugahaada ama jiifto. Marka daqiiqaduhu kuu noqdaan maalin adiga oo nabdoon kuguma filna.

Ma ahan inaad qadarta ka cararayso ee waa inaad garwaaqsan tahay in nolosha halkan aysan lahayn damaanad waayo go’aanka badbaado ee naftaada gacan kuuguma jiro. Nin ceel galay qoyaan li’i sooma baxo. Qarax dhacana qofi kama nabdoona ayaa dubaaqaada ku weyn. Talow haddii aad adigu berito badbaado, yaa iilka loo galbin doonaa?! Ma adigaa lagaa werin doonaa mise laguu soo werin doonaa?!

Sidaas darteed, sida aad u og tahay halkii aad tallaabtaada u qaadi lahayd, uma ogid sida nabdoon oo ay u hubsan tahay.

Marka waa qasab inaad ku sii socoto. Kadibna waxaa dhalanaysa dhacadada. Waxa kuugu horreeya waa maqal. Waxaa durba kuu labayn kara aragtida qiiq ama uuro cirka isku shareeraysa. Naxdin kadib, waxaad ogaatay in hareerahaada aysan dhiilladu ka socon, adiguna aad wali nooshahay. Walise waxaa kugu laban murugo.

Si mid ah kuwa ag dhow iyo inta ka fogba, waxay judhiiba is weydiinayaan – Meeqaa ku dhimatay?! Kama ahan inay ku wiirsanayaan qof iyo koox gaar ah oo baladu ku dhacday. Mar waxay u nugul yihiin dhibta jirta. Marna waxay ku hal adkeysanayaan inay ku wajahaan si walba oo ay u sahato noloshooda.

Weydiintan iyo kuwa lamidka ah looma sinna ee waa loo kala dhow yahay. Waxaana shaki uusan ku jirin in kuwa ogaal looga tago in yar kahor intaysan maqlin qaraxa ay wadnaha farta ku hayaan.

Kolka dhacdadu soo korortana, waxay kusii beertaa lahasho xun. Waxaa lasoo hordhigaa sawiradda meydad cadcad u kala haray, carada gogladay, dhiigna loogu meyray. In yar kahor sida iyaga oo kale ayay u labisnaayeen, u qurux badnaayeen, u lahaayeen yididiilo iyo qorshe cad oo guryahooda ay kula soo hoydaan.  Qarracanku mayara. Waxaase sii tiiraanyo leh kuwa raqdooda la waayo ama sidii loo aasi lahaa la fahmi waayo. Qalinkuna mawada suurayn karo musiibada markaas taagan.

Waxaad Aadanow maagan tahay, adiga iyo maankaagu iyo meel aan Ilaahay ku marin kala mid weeyaan,” Abdiqadir Yamyam.

Imisaa hooyo ilmaheeda u labistay oo gaari u saartay dugisga loo soo weriyay inay ka dhinteen? Imisaa ilmo hooyadood daqiiqad kahor ka tagtay loo sheegay geerideeda? Imisaa filan waa’ ka qaaday geerida lama filaanka ah oo kaga dhacday ehelladooda? Imisaa gurigooda uga baxay nabad oo lagu soo celiyay naxash? Imisaa qof rabay inuu guusha halgankiisa u dabaal-dego ku hed go’ay qaraxa?!

Murugada iyo tiiraanyada xanuunka leh oo ay maraan ehelladooda waxaa kaliya dhadhan san kara qof soo maray. Balse samirka iyo Alle kaashigu waa rajada kaliya ee dubaaqooda ku harta.

Waayo waxay og yihiin in geeridu tahay qadar qoran. Qof kastana uu marayo. Hayeeshe waxay is weydiin karaan, haddii geerida nuucani tahay mid iyaga gaar ku ah. Xanuunku waa isku mid, laakiin gabagabada nolosha qowm kasta siyaalo cayiman ayaa qudha looga qaadaa. Dhaxalna uma lihin waxa nagu dhacaya.

Cimrigu laga yaabee in qofku ugu muuqdo mid gudo balaaran. Labada albaab ee gudbaxa ah – dhalashada iyo dhimashada – ruux walba wuxuu ka leeyahay hal daqiiqo ugu yaraan oo isugu jirta 30X2 ilbiriqsi ka kooban marka uu ifka yimaado iyo marka ruuxdu ka baxdo.

Laakiin albaabkan, labadaas mar mooyee mar kale qofku ma maro. Balse ilbiriqsi kasta oo noloshaada kamid ah, qof ayuu albaabku u furmaa – ifka kusoo biira, qofna wuu ka xirmaa. 250 dhalasho ah iyo 105 qof dhimasho ah ayaa dunida ilbiriq kasta ka dhacda.

Si kale marka loo yiraahdo, maalin kasta dunida waxaa ka taga dad lagu qiyaaso 151,600; waxaana ifkan cagaaran kusoo biira 360,000 dhallaan ah.

Kusoo biirista ifka iyo ka tegistiisaba, in kasta oo min laba albaab ay wada leeyihiin, hadana kuma wada yimaadaan siyaalo isku mid ah. Dalalka ugu fiican ee lagu dhalo iyo waxaa jira dalalka ugu xun ee hooyo lagu noqdo. Taas waa marka loo eego hannaanka daryeel caafimaad ee loo qabto haweenka xaamilada iyo umusha oo ay ku kala fog yihiin. Haweenka Afrika ayaa lagu tiriyaa hooyooyinka ugu liita baxnaanada loo sameeyo umulisooyinka. Tanina waxay la timid in laba mid ay geeriyoodaan; cunuga ama hooyada oo umul-raacata.

Geeriduna waa lamid. Casrigii hore oo dagaallada adduun weynaha ka socday ay xabadu ahayd colka nolosha hadda waa laga yimid in badan, marka laga reebo meelo kooban oo caalamka kamid ah.

Sababaha dhimasho ee Aadanaha waxay hadba ku kala duwan tahay deegaan ahaan goobta uu ku nool yahay, dabeecadda, caqiidada iyo wixii lamid ah. Dalal ayaa shilalka gawaarida oo ku badan awgeed, maalin kasta waxaa geeriyooda kontomeeyo qof sida Hindiya ama Kenya oo tusaale ahaan, sanadkiiba dad gaaraya 3,000 ay ku dhintaan shilalka baabuurta. Sababta ugu weyn ayaa ah adeegsiga maandooriyaha sida Qamriga. Waana taas sababta ay dowladda Hindiya hadda u mamnuucday in baararka saaran jidadka lagu iibiyo Khamriga.

Kuwa ayaa geeridoodu ku dhacdaa duufaanno ku dhifta, dhul-gariir ka dhaca iyo wixii lamid ah sida Induniisiya, Iiran iyo Japan oo aad ugu  hoobata musiibooyinkan. Kuwana waxay mushkilad ku qabaan is-dilka ‘Suicide’ halkaas oo tiro badan ay sanad kasta is dilaan. Koofur Kuuriya, Iskandanafiyanka iyo Yurub dhexe ayaana u badan. Halka dalalka Maraykanka iyo Japan ay ku yaallaan goobaha ugu waaweyn ee la isku dilo. Kaabadda Golden Gate Bridge ee San Francisco iyo Keynta Okigahara ee Tokyo ayaana ah labada meel ee is-dilku ka dhaco. Tusaale ahaan, intii u dhaxaysay 1937-2012, meydad lagu qiyaasay 1,600 ayaa laga helay buundada hoosteeda.

Si kastaba, in kasta oo aan lahaynin tiro sax ah oo lagu ogaado tira-koobka dhimashada dalka ka dhacda, hadana waxaa la tilmaami karaa sababaha geerida. Macluusha, colaadaha miyiga, cudurrada iyo gaajada waa kuwa la xusi karo. Waxaana la isla og yahay mahadhaha ay reebaan. Sababaha waxay kol ku dhashaan saf mar galaafta nolosha dad badan, kolkolna mir kaliya ayaa dilaaca.

Markan usoo daadego dulucda mowduuca Marka uu Qarax Dhaco, uma socon inaan tilmaamo sababta ay ku dhacaan iyo sida looga hortagi karo. Mana lihi aqoon iyo xog labadaas dhinacba ku saabsan.

Hayeeshe waxaan kaliya farta ku goday waxa ay ka dhigan tahay ku noolaanshaha magaalo Muqdisho oo kale naxdinta iyo faraxu ay yihiin labada bar daqiiqadda. Waxay ila tahay helidda samir iyo kalsooni Alle waxay nagu saacidi kartaa inaan nolosha horay ugu sii soconno. Maanka waa inaan ku heynaa inaysan jirin dhacdo loogu tala-galay inay dunida kusii waarto. Wax kasta waxay ugu danbeyn yeelanayaan xal loo dhan yahay.

W/Q: Zakariye Xasan Maxamed

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan