Home / Arrimaha Bulshada / Saaxiibkeeda ayaa jirdilay markii ay badashay sawir u saarnaa Facebook-ga

Saaxiibkeeda ayaa jirdilay markii ay badashay sawir u saarnaa Facebook-ga

Himilo FM – Gabar u dhalatay dalka Ingiriiska oo ka soo jeeda magaalada Liverpool ayaa daaha ka qaaday sheeko ku saabsan jirdil xooggan oo uu u geystay nin ay wada socdeen kaddib markii ay badashay sawir labadooda ah oo u saarnaa Facebook-ga.

Sannad iyo bar kahor ayaa Andrew Macner oo 29 jir ah waxa uu soo weeraray Lord Ashton kaddib markii uu oggaaday inay badashay sawir kulminayay oo u saarnaa Facebook-ga gaar ahaan wajiga hore ee “Profile.”

Ashton waxay wakhti la qaadanaysay asxaabteeda xilli habeen ah, markii ay guriga ku soo laabatay ayay go’aansatay inay badasho sawirka u saaran Facebook-ga iyadoo ku badalaysa sawir iyada keliya muujinaya.

Ma aysan ogeyn Ashton inay taasi ka dhalan karto carrada saaxiibkeeda hase ahaatee way dhacday, waxaana uu u geystay jirdil xooggan oo ay ku weysay ilkaheeda markuu uu soo weeraray. Maxkamad ayaa danbi ku heshay Andrew, waxaana lagu xukumay 36 billood oo xabsi ah.

“ Markii hore wuu ii wanaagsanaa, laakiin dhowr billood kaddib, waxaan xusuustaa dharbaaxshadiisa, markii danbana wajiga ayuu iga laaday,” ayay tiri Ashton

Waxay intaa raacisay inay wanaagsaneyd inay ka tagto maalintii ugu horreysay oo ay si fiican u baratay laakiin waxay tiri waa uu ilmeyn jiray isaga oo muujinaya inuu ka xun yahay wax kasta.

Falka jirdilka kaddib, Ashton ma aysan wargelin booliiska iyada oo baqaysa hase ahaatee waxay mar danbe la kulantay hanjabaado joogto ah oo horseeday in la soo xero danbiilaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan