Home / Arrimaha Bulshada / Sabab la xiriirta midabka maqaarkooda ayaa looga reebay diyaarad!

Sabab la xiriirta midabka maqaarkooda ayaa looga reebay diyaarad!

Himilo FM – Jordan Felix oo ah haweenay u dhalatay Mareykanka ayaa raacday diyaarad hase ahaatee waxay la kulantay xaalad dullinimo ah oo noqotay tii ugu adkeyd nolosheeda.

Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa qoray in Jordan raacday diyaarad ay leedahay shirkada American Airlines oo ka tagaysay Taxes iyadoo ku sii jeeda magaalada Dallas oo isla gobalkaasi katirsan.

Waxay dooneysay haweenayda inay soo aragto ninkeeda kahor inta uusan ku biirin cutub cusub oo kamid ah ciidanka Mareykanka balse taa baddalkeeda, waxay wajahday xaalad lagu faquuqay iyada iyo cunuggeeda caano nuugga ah.

Iyadoo xaaladda deggan tahay oo shaqaalaha diyaarada u dhoola caddeynayaan iyada iyo wiilka sannad jirka ah ayaa mar qura waxaa isbadashay xaaladda.

Mid kamid ah shaqaalaha shirkada diyaaradaha American Airlines aya u yimid haweenayda, waxanaa uu wax ka weydiiyay waxa uga dhacay maqaarka iyada iyo cunuggeeda iyo haddii ay heysato warqad dhaqtar oo u oggolaaneysa inay ku safarto diyaarad.

Ms Jordan ayaa u sheegtay shaqaalaha in iyada iyo wiilka ka cabanayaan xaalad caafimaad darro oo mar la arag ah oo ku dhacda maqaarka laakiin shaqaalaha kuma qancin hadalka haweenayda, waxa uu ku amray inay ka dagto diyaarada iyada iyo cunuggeeda.

“Waligay lama kulmin dullinimo, waxaan u diray farriin, waxaan ka sugayaa jawaab,” ayay ku tiri haweenayda qoraal ay dhigtay baraha bulshada.

Xannuunka haweenayda ayaa lagu sheegay inuu yahay mid aan inta badan la arag oo ku dhaca dadka iyadoo midabka maqaarka qofka u ekaanayo kan kalluunka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan