Home / Macluumaad / Sababaha xaaladaha furriinka dalkeenna!

Sababaha xaaladaha furriinka dalkeenna!

Furriinka waa kala taga lamaanayaasha isqaba iyada oo loo marayo si sharci ah oo rasmi ah.Waa marka labada qof ama mid kamid ah uu dalbado furriin sabab la cuskan karo. Suubanaheenna NNKH waxa uu yiri xalaasha Alle aktiisa loogu caro badan yahay waa furriinka.

Waxaa xusid mudan in furriinka uu maanta qatar ku hayo qoysaska, oo ah tiirka bulsho toosan. Waxa uu horseedaa kala qob-qob iyo in ay bulshaddu noqoto mid dhaqan ahaan kala socota islamarkaana ay danbiyada ku badan yihiin.

Dal iyo dad kasta sida dhaqanka guurkooda uu gaar ugu yahay, ayay u leeyihiin sababo gooni ah oo keena furriinka  laakiin waxaa jira sababo guud oo ay kamid yihiin kala duwanaanshaha dabeecada labada qof, khiyaanada, muranka iyo khilaafka joogtada ah.

Guurku ma ahan xaalad ku meel gaar ah, waa in uu jiraa xiriirkaasi si kasta oo ay noloshu isu badasho, una soo baxaan caqabado nololeed oo ku yimaada gacanta bini’aadamka. Furriinku waxa uu liddi ku yahay xiriirka ka dhigaya bini’aadamka in uu sii jiro.

Heerka furriinka ee dalalka qaar ee caalamka waxa uu marayaa halkii ugu sarreysay, tusaale wadamada carabta waxaa la soo wariyay in maalintii laga diiwaan geliyo ku dhawaad 260 dhacdo oo furriin ah sida lagu sheegay tirakoob la sameeyay sanadkii hore. Waxaa loo aaneeyay sababo dhaqaale iyo kuwa bulsho. Masar waxa ay noqotay dalka ugu badan ee dhacdooyinka furriinka.

Soomaaliya, wax tirakoob ah lagama hayo heerka furriinka laakiin sabaha guud ee furriinka waxa aan kala simanahay dalalka caalamka, tusaale sanadahan danbe waxaa soo baxay shabakado ay dadka ku xiriiraan, waxaa la rumeysan yahay in ay saameyn aan wanaagsaneyn ku leeyihiin xiriirada guurka ee dhisan.

Waxaa intaa dheer oo aan xusi karnaa in dhallinyaro badan oo guursaday uu si fudud u burburay gurigooda, dadka qaar waxa ay sababteeda ku sheegeen ka-fiirsiga iyo doorashada oo markii hore aad u liitay iyo dhallinyarada qaar oo guursada iyaga oo ku jira wax-barasho, qaarkoodna aysanba korin maskaxdooda.

Waa hubaal in furriinku yahay ficil aan wanaagsaneyn islamarkaana ay ka deyrisay diinteenna. Waxaa lagu tirin karaa furriinka aafo bulsho oo aan dhammaad laheyn. Dhammaan sababaha burburin kara dhismaha guriga waxaa looga badbaadi karaa isu dulqaadasho ka timaada labada dhinac kuna dhisan kalsooni iyo wax-isku sheeg.

Inkastoo ay jiraan ururo aan tiro badneyn oo ka shaqeeya arrimaha guurka haddana wali aad baan ugu baahanahay kuwa kale oo wax-ka-badala furriinka dalkeenna, waxaa kale oo dantu ay innoo sheegaysaa baahida tirakoob la xariira furriinka iyo sababaha loo celin karo.

Qore: Mahad Maxamed Cali

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan