Home / Arrimaha Bulshada / Sababta ay tahay in aad uga fekerto marka uu qof reer Croatia ah kuugu yeero qaxwo

Sababta ay tahay in aad uga fekerto marka uu qof reer Croatia ah kuugu yeero qaxwo

Himilo – Marka la joogo Croatia, qaadashada cuntada iyo cabitaanka ayaa kaaga baahan in aad wax badan ka garato. Marka ay timaado qaxwada, waxaa ka yaalla dhaqan aan duugoobin.

Marka aad u baahato in aad qof reer Croatia ah weydiiso su’aal oo aad ku dhahdo “ aan wada cabno qaxwo” waxay ka dhigan tahay in aad ugu baaqday kulan aan ka yareyn labo saacadood oo xiriir ah.

Sidaa darteed, oraahda ah “aan qaxweyno” waxay dadka Crotia uga dhigan tahay adiga oo ka doonaya sheeko dheer ama kala hadlaya howlo ganacsi.

Villa Potkovic oo horjooge u noqota dalxiisayaasha ayaa sheegtay in dadka reer Croatia aysan jecleyn qaxwada oo si deg deg ah loo cabbo.

“ Ma jecla qaxwada oo istaag lagu cabbo, bannaankana uma qaataan,” ayay tiri Villa Potkovic.

Ms Potkovic ayaa hadalkeeda raacisay in qaxwada kamid tahay dhaqanka aan guurin oo ay dadka Croatia leeyihiin iyada oo ka joogta boos weyn.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan