Himilo- Dibi culaabtiisu dhan tahay 650 kg ayaa maareeyey inuu ka baxsado xarun xoola-qalka ah ‘maxjar’ wuxuuna hadda helay dareenka dadweynaha dalka Croatia.
Dibiga oo la yiraahdo Jerry wuxuu dhawaanahan hareer maraa goobaha ka fog xaruntii uu kasoo baxsaday. Wuxuuna ku gaaf wareegaa xeebaha iyo duleedka magaalada.
Milkiilhiisa ayaa ka iibsaday xarunta. Laakiin inta aan loo gelin qur-goyntiisa, wuu soo baxsaday. Balse xarunta ayaan bixin karin sharaxaad dheeri ah oo la xiriirta sababtii uu dibigani kaga soo baxsaday.
Tiro dhowr jeer ah oo dibigani la arkay isaga oo baxsad ayaa la isku dayay in lagu helo xaruntii uu kasoo cararay. Wuxuuna markii danbe u dhuuntay keymaha.
Dad badan ayaa baraha bulshada iskugu gudbiyay qoraallo taageero ah oo loo muujiyay dibigan baxsadka ah, waxaana taasi wax ka bedeshay go’aankii milkiilaha iyo shirkaddii ka iibsatay.
Baaritaannada oo qaaday in lug cir iyo gaadiidba lagu baadigoobo ayaa kusoo idlaaday najiito la’aan. Lamana helin dibiga.
Hadda waxaa socda baadigoob loo dhan yahay oo ay qeyb ka yihiin shacabka halkaas oo haddii lasoo qabto dibiga la balan-qaaday inaan la qali doonin inta noloshiisa ka dhiman oo uu ku dhammeysan doono xurnimo.