Himilo – Gudaha Magaalada Blackburn ee dalka UK waa wax caadi iska ah inaad aragto dad-aan-Muslimiin ahayn oo soomaya inta lagu jiro bisha Ramadaan – si ay garab-istaag iyo taageero ugu muujiyaan Muslimiinta.
Iyada oo xilligan lagu jiro waqti cudurka Corona uu dunida kala xiray, haddana Naadiga One Voice ayaa ugu yeeray dadyowga aan Muslimiinta ahayn inay hal maalin ka soomaan bisha Ramadaan.
Jidaalkan ‘mashruucan’ waxaa loogu yeeray I’m not a Muslim but I will fast for one day‘ oo micnaheedu yahay ‘ma ihi Muslim laakiin waxaa soomaya hal maalin.’
Taniyo markii Mashruucani la bilaabay waxaa ka qeyb-galay dad ka badan 1,000 qofood oo aan Muslimiin ahayn.
Sarah Johns oo kamid ah ayaana tiri: “Sababta aan u soomayo hal maalin oo kamid ah bisha Ramadaan waa inan dareemayaa nimcooyinka Ilaahay isiiyay oo aan sidii loo baahnaa uga mahad-naqin.”
Laakiin kani ma ahan mashruuca kaliya ee bisha Ramadaan ay bilaabeen Muslimiinta UK.
Waxaa kale oo jira mid weyn oo dadka gaajeysan loogu