Himilo FM –Daraasad cusub ayaa muujisay in geed ku yaala Jabaan uu qeyb ka noqon karo sababta dadka reer Jabaan u gaaraan da’ fog.
Baarayaal katirsan jaamacadda Graz ee dalka Austria ayaa sheegay in maaddo ku jirta geedka loo yaqaan Ashitaba oo ka baxa Jabaan inay dheereyn karto da’da qofka.
Waxaa lagu daabacay daraasada majalada Nature Communications iyadoo khubarada ku tijaabiyeen maadada dooliga ama jiirka.
Natiijooyinka baaritaanka ayaa daaha ka qaaday in maadada ka qeyb qaadatay 20% da’da fog ee uu gaaray jiirka lagu tijaabiyay. Waxay maadada dhanka kale ilaalisay wadnaha jiirka ama dooliga xataa marka uu yaryahay qulqulka dhiigga ee gaaraya.
Frank Medew oo hoggaaminayay baarayaasha ayaa xusay in natiijada muujinayso saameyn wanaagsan oo laga dareemay jiirka islamarkaana suura gal noqon karto in geedkan uu kaalin ku leeyahay da’da fog ee reer jabaan.
Si kasta, waxaa loo baahan yahay daraaasado dheeraad ah oo si cad loogu fahmi karo saameynta dhirta Ashitaba ku leedahay bini’aadamka.